Xog cusub: Maxay isku hayaan Jawaari iyo C/Weli Muudeey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa laga keenay mooshin la doonayo in xilka looga qaado, waxaana baaritaan ay sameysay Caasimada Online ay ku ogaatay sababta.

Ilo wareedyo lagu kalsoo yahay ayaa sheegay in saddex tobbaad ka hor ay shireen Jawaari iyo ku xigeenkiisa Cabdi Weli Muudeey iyo guddiga joogtada ah ee baarlamanka.

Kulankaas ayaa waxaa Jawaari looga codsaday inuu soo gudbiyo xisaab xir ku saabsan qarashaadka soo gala baarlamanka, taasi oo la sheegay inuu diiday.

Waxaa sidoo kale jirta in Jawaari uu ku guul darreystay inuu bixiyo lacag gunno ah guddiga joogtada loogu talo-galay muddo sanad ah, isaga oo hal bil kaliya ka bixiyey.

Wararka ayaa sheegaya in Jawaari ay ku maqan tahay lacag gaareysa afar Milyan oo Dollar, oo uu baarlamanka ka qaatay tan iyo labadii xil ee uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka, oo ay ku jirto dowladdii Xasan Sheikh.

Waxa uu laba guri oo aad u qurux badan ka dhistay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo magaalada Baydhaba, taasi oo ah waxyaabaha ke carreysiiyey xildhibaanada qaar.