Xildhibaan Prof Gaandhi oo sheegay in saxiixiisa looga been abuurtay mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan khilaaf ka dhashay Mooshin la sheegay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay Mooshinka, waxaana soo baxaaya Xildhibaano sheegaya in Mooshinka uu gaaray tiradii looga baahnaa, halka qaarna ay sheegayaan inuu burburay Mooshinka.

Xildhibaanada qaar ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta maxaliga ah uga sheegaya in looga been abuurtay Mooshinka laga wado Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada sheegay in laga been abuurtay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi oo ka tirsan golaha shacabka oo sheegay in uusan saxiixin mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacabka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaannada wada mooshinka ay is kaga darsadeen magaciisa, isaga oo dhanka kale tilmaamay in weligiis uusan ka qeyb-galin mooshinnada la gudbiyo.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Gaandhi ayaa ahaa ‘’waxaa leygu soo wargaliyay dhawaq aan ku farxin, taas oo ah in magaceyga uu ku jiro dadka saxiixay mooshinka, waxaan caddeynayaa in arrintaasi aysan waxba ka jirin’’

‘’Waxaan qirayaa in ka Gaandhi ahaan aan waligey ka qeybqaadan Mooshin lagu saxiixayo magaca Xildhibaanada ama laga wado”.

Sidoo kale, Xildhibaan Gaandhi ayaa ku nuux-nuuxsaday in laga been abuurtay isla markaana uu qiraayo inaanu kamid aheyn Xildhibaanada ku dhagan Jawaari.

Geesta kale, hadalka Xildhibaan Maxamed  Cabdi Gaandhi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ay wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com