Caydii iyo Faankii Faysal Cali waraabe oo loo xawilay Aqalka Sare ee Muqdisho

Waxaa dad badan oo Soomaali ah ka yaabisay hadalo faan, yasid iyo mala awaal isugu jira oo ka soo burqanaya xildhibaano ku abtirsafa qabiil ka mid ah dadka dega waqooyiga Soomaliya. Waxaa in muddo ahba caaadi ahaa hadalo nasab cay, faan iyo liidnimo ah oo koox u horkacayo ninka aan waxba xeerin ee Faysakl waraabe oo magaalada Hargaysa ka soo lalinayay magaalada Hargaysa. Dad badan ayaa isku qanciyey in ninkaa iyo kooxdiisa aanay mudanayn in loo jawaabo. Waxaa malaha ku filan ereyada ay ka mid yihiin waa Faysalow waa faaruqoo waa Filim kartoon oo ay ku hadaaqaan caruurta magaalada Hargaysa. Faysal waa nin doorasho walba isa soo mutaxa oo tii ugu danbaysay ee muranka badnayd ka helay 4%, welina indha adagaygaysa waa hadlayaa oo dad buu xagxaganayaa.

Hadda waxaa Faysal  ku soo biiray qolo kale oo sheegata inay aqalka sare ku Matalan Somaliland. Runtii waxaa ah in ayan cidina matalin, bale ay la qaylinayaan caadifad qabiil iyo ha lagaa sheego. Waxaa kooxdan cusub oo uuhorkacayaa nin aan wax badan laga aqoon oo la yiraahdo Mustafe Qodax oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka dawladda Federaalka. Ninkaasi waxa uu la soo shirtegay sheeko qabiilkayga ayaa Soomaali ugu aqli badan iyo haddaan waxaan rabno sax iyo khaladba naloo yeelin waxba kala socon maayaan. Ninkaa iyo gabadh kale  ee Muno Xasan ee senator-ka ah lama arag iyagoo waligood ka hadlayaa tacadiyada joogtada ay ku kaco maamulka Hargaysa. Weligood ma soo qaadin dhalinyarda xabsiyada ugu jirta  Xamar baad tagteen, Suxufiyeenta lagu haysta dawladama madax  baad wax ka sheeegteen, iyo tacadiyo badan ee loo gaysto dadka ku nool gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn. Malaha Somaliland waxay u haystaan dadka degan Togdheer iyo Waqooyi galbeed. Waxy hilmaameen in ay u dhaaarteen ilaalinta midnimada iyo wadjirka dadka iyo dalka Soomaliyeed. Xamarta Senator Mustafe Qodax uu dadkeeda sida dadban u weerarayo waa tan u ogolaatay isagoo fikradaha khaldan aaminsan uu sidoo doono u hadlo. Balk a warma qof Xamar ka tegay iska daaye, hadii nin rerr Laascanood ama Boorama  ah u Hargaysa ka sheego in la ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wixii dhici laha waxaan ka sugaynaa in labada Senator ay noo bidhaaamiyaan.

Ugu danbayntii waxaa la gudboon Somali meel ay joogtaba in laga hortago beenta la buufinayo ee ah Qaran Somali land ayaa jiray iyo Somaliland iyo Somaliliya wax la yiraahdo ayaa is haysta.  Runta biyo kama dhibcaanka ah waa in dadka mashruucan wataa ay yihiin qaar ka mid ah hal qabiil oo waqooyiga Somaliya dega oo weli ay ka guuxayaan fikradihii jabhadii SNM ee la  wareegtay maamulka waqooyiga Somaliya. Waa in an cidina laga yeelin inay iibiyaan hantidii  iyo magacii ummadda Somaliyeed meeeshay rabo ha joogtee. Waa in saxaaafadda madaxa banana aanay co baahiye u noqon kuwa sida Faysal Cali Warabe habeen iyo maalin cay iyo aflagaado ku haya dadka Soomaaliyeed ee jecel xornimada iyo isku duubnida. Labada senator waa inay raali gelin ka bixiyaan  hadalkoodii meel ka dhaca ahaa ayna joojiyaan kala qaybinta iyo kala faquuqa ay ka dhex bilaabeen mid ka mid ah hay’adaha ugu saraysa maaamulka dadka. Waa inay dib u xasuustaan dhaartii ay mareen iyo xilka mudan ee lagu aaminay.

W/Q:Yuusuf A. Geele

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid