Xog: Kheyre iyo Muudeey oo u shiray Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulan khaas ah uu Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka uu si khaasa uga dhacay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre waxaana ay labada mas’uul ay uga wadahadlayeen Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Muudeey, ayaa warbixin kooban Ra’isul wasaaraha kasiiyay heerka uu gaarsiisan yahay Mooshinka, waxa ayna laba mas’uul isla arkeen inay muhiim tahay in baarlamaanka laga hor wareejiyo Guddoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay is hortaaga dhammaan howlaha Xukuumada ee lagu hormarin lahaa dalka.

Muudeey ayaa Kheyre u sheegay in tan iyo markii la dhisay dowlada uu Hoggaamiyo Farmaajo uu Guddoomiye Jawaari is hortaag ku sameeyay inkabadan 12 barnaamij oo  ahmiyad gaara u leh dalka.

Waxaa kamid ah waxyaabaha uu damcay inuu is hortaaga ku sameeyo Mooshinka laga waday shirkada DP World ee sida sharci darada ah Heshiis ugu gashay Dekadda Berbera.

Muudeey, waxa uu sidoo kale Kheyre u sheegay in Guddoomiye Jawaari oo garab u ah xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ka danbeeyay ilaa Seddex Mooshin oo laga keenay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha qudhiisa, hase ahaatee ay si hoose u kala furfureen.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhankiisa ka sheegay inaan dhag jalaq loo siin doonin Mooshinka ay burburinayaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Somaliya, waxa uuna u cadeeyay inaysan awood u laheyn burinta Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudomiye Jawaari.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa C/wali Sheekh Axmed Muudey u sheegay Mooshinkaasi inuu yahay mid sharci ah oo Xildhibaanada ay ku soo gudbiyeen sifo waafaqsan Sharciga, sidaana lagu meelmarinaayo,sidauu hadalka u dhigay.

Kulanka Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye C/wali Sheekh Axmed Muudey, ayaa sii fogeynaya khilaafka culus ee ka dhashay Mooshinkii laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Dhinaca kale, labada mas’uul ayaa isku raacay in lameelmarin doono Mooshinka laga soo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, si loo xaqiijiyo rabitaanka Xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com