Farmaajo oo laga dalbaday inuu faragalin ku sameeyo xiisada ka dhextaagan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa walaac gaara ka muujisay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa sheegtay inaanu muuqan kaalinta Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna cod dheer ku sheegtay in Madaxweynaha laga doonaayo inuu soo faragaliyo Khilaafka sii xoogeysanaaya.

‘’Waxaan xaqiijinayaa in khilaafka Guddoonka baarlamaanka iyo kan Xukuumada uu gaarsiisan yahay meel adag, waxa aan Madaxweynaha Qaranka ugu baaqeynaa inuu sameeyo faragalin’’

Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Samatar waxa ay arrin aad u xun ku sheegtay in afka laga qabsado khilaafka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka Somalia, waxa ayna ku celcelisay in la doonaayo in xili hore wax laga qabto khilaafka taagan’’

Sidoo kale, Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ugu baaqday inay muujiyaan sabar iyo tanaasul, maadaama ay tiri lawada arko halka uu khaladka ka taagan yahay.

Haddalka Sacdiyo Xaaji Samatar, ayaa imaanaya iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka ka dhextaagan Guddoomiye Jawaari iyo Muudeey oo kawada tirsa Guddoonka baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com