Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga oo hooyadiis ka qarinayay aabihiis, boqor Salman

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammad bin Salman ayaa lagu soo waramayaa inuu hooyadiis ka qarinayay aabihiis, Boqor Salman, labadii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ka baqaya inay isticmaasho saameynteeda oo ay khalkhal galiso boqortooyada uu doonayo inuu taladeeda la wareego.

Warbaahinta NBC News ee laga leeyahay Mareykanka oo soo xigtay 14 xubnood oo ka tirsan saraakiisha Mareykanka ee hadda iyo kuwii hore, ayaa sheegay in Bin Salman uu ka xannibay hooyadiis, Princess Fahda bin Falah al-Hathleen, laba sano ka hor inay la kulanto aabihiis, oo tan iyo markaas uu ka fogeeyay boqorka isaga oo u sii anba qaadaya si uu u xoojiyo awoodiisa.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku hadlay xaalad qarsoon sababta oo ah nooca xasaasiga ah ee sirta ay la wadaageen NBS News.

Waxay intaa raaciyeen in 32-jirkan uu soo bandhigay marmarsiiyo kala duwan si uu u caddeeyo maqnaanshaha hooyadiis isla markaana uu ku hayaa meel qarsoodi ah. Waxa uu xita mar u sheegay boqorka in ay dibedda ugu maqantahay daaweyn caafimaad.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in uu hooyadiis uu ku hayo guri qarsoodi ah oo ku yaala gudaha dalkaas muddo aan la cayimin,.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com