Xildhibaanad wax ka qortay dhibaato Somalia ka taagan oo dad badan aysan ku baraarugsaneyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan la socono waxaa maalmahan danbe isa soo taraya akhbaaraad aan farax gelineyn dadka reer Jubaland gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, kaasoo ah in qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ay la soo if-baxeen dhaqammo aan ku fiicneyn diinta Islaamka iyo dowladnimadaba.

Shacabka ku nool magaalo-xeebeedka Kismaayo 25-kii sano ee la soo dhaafay waxay soo mareen dhibaatooyin u baahan in muddo dheer ay kasoo kabtaan, dhibaatooyinkaas oo u badnaa dhinacyada nolosha iyo dhaqaalaha. Waxaa kaloo jirey ganacsato ka macaashtay maamulladii kala duwanaa ee magaaladan ka soo talin jirey, kuwaasoo ka faa’ideysan jirey dowlad la,aantii ka jirtey guud ahaan geyiga Jubaland.

Ganacsatadaas oo caadeystey iney ku bulaalaan dhiigga shacabka masaakiinta ah ee reer Jubaland, inkastoo qaar ka mid ah ganacsatada ay yihiin kuwo Ilaahey ka cabsada kana shaqeeya danaha shacabkooda.

Haddaba waxaa maalmahan danbe isa soo taraya in qaar ka mid ah ganacsatada ay bilaabeen howlahii nolol la dirirka iyo dowlad diidka ahaa, iyagoo si ka fiirsasho la,aan ah u billaabay ribadii iyo xaaraantii ay hore uga macaashi jireen, kuna miiran jireen dhiigga shacabka reer Jubaland.

Waa Maxay Sicir-barar?

Sicir-bararku (Inflation) waa kor u-kac joogto ah oo ku yimaada qiimaha wax lagu kala-iibsado, kaas oo sida qaalibka ah dhaca marka baahida ay ka weynaato wixii suuqa yiil. Waana qadiyad gasha dhaq-dhaqaaqa suuqa ee wax lagu kala-iibsanayo. Wuxuu noqday cudur weheliya dhaqaalaha bulshooyinka dunida, kuwa hanaqaadey oo dhaqaalahoodu uu kobcay iyo kuwa dhaqaalahoodu uu hooseeyo sideena oo kale. Illaa la gaaray in sicir-bararka lagu tilmaamo halaag aadamiga noloshiisa wehesha.

Sicir-bararka wuxuu ka yimaadaa meelo dhowr ah. Waxaa ka mid ah, wixii la iibsanayay oo yaraada, cumladdii la adeegsanayay oo qiima beesha iyo dhaqaale xumida ku dhacda ummadaha aad la leedahay xiriirka ganacsi kaas oo saameyn kugu yeesha.

Sicir-bararku waa arrin qalafsan oo ka dhasha sababo dhaqaale oo is-biirsaday. Meel keliyana kama ay timaaddo oo jihooyin badan ayuu ka yimaadaa. Sicir-bararku wuxuu noqday aafo ku habsatay mujtamaceena oo awalba la il-darnaa dhibaatooyin kala duwan oo ay ka dhaxleen dagaaladdii sokeeye ee dalkeena ka dhacay. Haddaanu Soomaali nahayna, waxaan noqonay “ninkii xanfarka dhacayay u faruurnaa”.

Sicir-bararku wuxuu is hortaagaa horumarka dalka. Wuxuu kordhiyaa faqriga, jahliga iyo caafimaad darrida. Wuxuuna baabi’iyaa rajada ummadda. Wuxuuna kordhiyaa fowdada iyo danbiyada.

Sicir-bararka maanta ka taagan magaalada Kismaayo waa mid aad u foolxun oo gaaray heer aan loo adkeysan karin, Tusaale:

ISBUUC KA HOR MAANTA
Loorka Bariiska $30 $38
Loorka Basmati $45 $60
Loorka Sokorta $25 $60
Oomo $12 $18
Saliid $20 $23
Shidaal Patrol 20L $23 $80

Haddaba, annaga oo ah wakiiladii shacabka Jubaland, haddii aynu wax ka qaban weyno xaaladda maanta taagan ee heysata dadweynaheena u badan danyarta. Barlamaanka Jubaland wuxuu ku sifoobayaa, Dabkii oo dhaxamooday! Dawadii oo bukootay! Biyihii oo harraaday! Iyo (+) oo (–) isu rogtay.

Talo soo jeedin:

1-Waa in la diyaariyo istaraatijiyad heer Jubaland ah oo lagula dagaalamayo Sicir-bararka noocuu doono ha ahaado.

2-Waa in warbaahinta Jubaland ay ifiso kuwa Gafanayaasha ah ee Sicir-bararka ummadda ku haya.

3-Waa in mustaqbalka dhow la dhiso guddi heer Jubaland ah oo ka hor-taga Sicir-bararka.

4-Waa in Booliska iyo Wasaaradda Ganacsiga ay ogaadaan doorka looga fadhiyo ee ku aaddan ka hor-tagga Sicir-bararka.

5-Waa in dadweynahu ay ka dhiidhiyaan iskana qabtaan ciddii Sicir-barar ula timaaddo.

6-Waa in warbaahinta, dugsiyada, bulshada rayidka ah, iyo masaajidda loo adeegsadaa wacyi-gelinta ku saabsan joojinta Sicir-bararka.

7-Waa in dambi lagu soo oogo dhammaan kuwa ku lugta leh Sicir-bararka, lana mariyo ciqaab adag.

Qore: Xildhibaanad/Jubaland

Xabiibo M/ed (Qureysho)