Xog: Somali ku sugan dal Yurub ah oo billaabay nooc dagaal oo caan ku yihiin Falastiiniyiinta.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Muwaadiniinta Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa bilowday in sida Falastiiniyiinta ay ku dagaalamaan tooreeyo/mindiyo.

Muwaadin Soomaali ku nool magaalladda Abensberg ee Koonfurta Jarmalka, ayaa tooreey si xun ugu dhaawacay wiil u dhashay dalka Sierra Leone oo halkaasi ku noolaa kadib markii uu dhexmaray khilaaf.

Muwaadinkaani Soomaaliga ah iyo wiilka uu tooreyda ku dooxay ayaa kuwada noolaa Xarun lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla Degmadda Kelheim oo 100-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda wershadaysan ee Munich.

Muwaadinkaani ayaa muran kala dhexeeyay dhibanaha la dooxay ka hor inta uusan wiilka Soomaaliga dhowr jeer tooreey ku dooxin wiilka kale, kaasi oo markii dambe lagu qaaday Helikoptarka Gurmadka, lana geeyey Isbitaal aan ka fogeyn halka uu falku ka dhacay.

Soomaalida ku nool qurbaha ayaa bilihii ugu danbeeyay dagaalada kala dhexeeya dhalinyarada kale ee soo galootiga ku ah dalalkaasi Yurubta u adeegsanaayay tooreeyo sababtuna waxa ay tahay inaysan u babacdhigi karin dhanka awooda.

Dhinaca kale, Boliska magaalladda Abensberg ee Koonfurta Jarmalka ayaa gacanta ku dhigeen wiilkaasi Soomaaliga ah ee dooxay muwaadinka u dhashay dalka Sierra Leone.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com