Xildhibaanada Aqalka Sare oo erey yaab leh ku qeexay sababtii uu Farmaajo uga baaqday kulanka furitaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Aqalka Sare, kadib markii uu madaxweynaha ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka. Sababaha uu madaxweynaha kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo amni oo jira, balse Ra’iisul Wasaare Kheyre ma uusan sii faah faahin.

Si kastaba, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa u muquda kuwa aysan ka gadmin sababta Kheyre sheegaym iyaga oo baaqashada Farmaajo ku qeexay “quursi”

“Ma aqoon darraa, mise ogaal, mise quursi ayuu noogu soo diray, waan garan la’nahay laakiin waxaan  ka rabnaa guddoonka” ayuu yiri Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay caasimada Online.

Caadiyan sida ku cad dastuurka Soomaaliya dalka waxaa ugu sarreeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Shacaka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi sababtoo ah waa 3da hogaamiya oo kaliya oo doorasho ku yimid halka Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku yimid magacaabis.

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu wakiisho Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo isagoo u wakiishay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare maadaama uu Kheyrre lahayn awood uu ku furo Kalfadhiga.

Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaaraha Soomaaliya waxa soo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi waxana codka kalsoonida siiyay labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya sidaas darteed waxaan suurta gal ahayn in Kheyrre uu furo Kalfadhi Baarlamaan, sida ay qabaan quburada dhanka Sharciga.

Si walba maanta waxaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, oo sheegay in uu soo wakiishay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo aan aheyn wado sharci ah balse aheyd is afgarad aan sharciga waafaqsaneen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com