26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Xildhibaanada baarlamanka oo ku dhagan mid kamid ah wasiirada ugu shaqada badan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goordhow uu xarunta Golaha Shacabka ka furmo kulanka Xildhibaanada baarlamaanka ee su’aalaha lagu weydiin lahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada Xasan Kheyre.

Kulanka ayaa waxaa xoogiisa looga hadlayaa hanaanka dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo ahmiyad gaara u leh dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Inta lagu guda jiro kulanka iyo doodaha Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Somalia Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hortagi doona Xildhibaanada si loo weydiiyo su’aalo ku saleysan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

Wasiirka oo dhamaadka asbuucii tagay lagu sii wargaliyay hortagiisa baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa in dhinac uu u tuuro qorshaha ku aadan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa kulankii ugu danbeeyay gudbiyey Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu hor yimaado baarlamaanka .

Xildhibaanada ayaa doonaaya in Wasiirka Cadaaladda ay su’aal ka weydiyaan sababta uu u dhaqan gelin waayay Sharciga 28 lr ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa asbuucyadaani dhameystiri doona howlaha laga mashquulay inta ay ku jireen fasaxa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News