Guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka ayaa todobaadkan soo saaray illaa todobo(7) qaab ama hab oo doorashooyinka caalamka u dhacaan, kaas oo midkood la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya 2021-ka.
Guddiga Xaliimo Yarey, waxaa ay sheegayaan in shacabka qeybihiisa kala duwan laga doonayo in go’aan ka gaaraan sida iyo qaabka ugu haboon ee doorashada noqon karto, lana qaato hab ka tirsan 7dan qaab ee hoos ku qoran.
7da Hab Doorasho Ee Midkood La Qaadan Doono Doorashada 2021-ka:
1aad: Nidaamka SNTV: Nidaamkan (The Single Non-Transferable Vote -SNTV)
Waxyaabaha Uu Ku Wanaasan Yahay Nidaamkan:
- SNTV wuxuu ku wanaagsan yahay dhanka metelaada ama ka qeyb qaadashada xisbiyadda tirada kooban.
- Wuxuu dhiirigelin siinayaa xisbiyada si ay u noqdaan kuwo si heer sare ah isku abaabula una tilmaama codbixiyeyaashooda musharrixiinta si ay u kordhiyaan awoodda ku guuleysiga kuraasta lagu tartamayo.
- Nidaamkan, waxaa lagu ammaanay in uu yahay mid si fudud loo isticmaali karo, loona fahmi karo.
Aan ku Wanaagsanayn:
- Xisbiyadda yar-yar ee codbixiyeyaashoodu ay kala baahsan yihiin waxaa laga yabaa in aysan kuraasta helin, halka xisbiyada waaweyn uu nidaamkan u kordhinayo kuraasta ay heli karaan.
- Khilaafaadka hoose ee xisbiga iyo kala mabda’ duwanaanta xisbiga oo kororta
- Nidaamkan fursada uu siinayo xisbiyadda siyaasadda ee ku aadan hanashada dhagaha codbixiyeyaasha baahsan aad ayay u yar tahay.
- SNTV badanaa wuxuu kenaaa codad la dayaco.
2aad: Nidaamka FPTP ama Nidaamkan First Past the Post
Ku Wanaagsan:
- Wuxuu si cad u siisaa fursad ay ku kala xushaan labada xisbi ee ugu waaweeyn.
- Codbiyeyaasha Wuxuu kor u qaataa dhisidda dowlad hal xisbi ah.
- Wuxuu abuuraa mucaarad isku xiran marka loo eego sharci dejinta .
- Faa’iidooyinka nidaamkan wuxuu saameynayaa xisbiyada siyaasadda oo dhan .
- Wuxuu ka saartaa meesha xisbiyadda xaqjiriinta marka la dejinayo shuruucda .
- Wuxuu hagaajiyaa xiriirka deegaan doorashooyinka iyo dadka ay matalayaan maadaama ay dadka sharciga dejinayaa ay ka kooban yihiin dad kasoo jeeda deegaanada oo dhan.
- Wuxuu siiyaa codbixiyayaasha fursad ay ku kala doortaan dadka kale duwan halka awal uu kaliya kala dooran lahaa xisbiyadda oo kaliya.
- Waxay siii fursad ay musharrixiinta madaxa banaan ee aad loo taageero lagu doorto.
- Nidaamka FPTP waxaa si gaara loogu amaanay sida fudud ee loo isticmaalo loona fahmo.
Aan ku Wanaagsanayn:
- Waxa uu meesha ka saarayaa xisbiyadda yaryar oon heleyn fursad metelaad
- Waxa uu nidaamkan meesha kasaarayaa metelaada dadka laga tira badan yahay
- Waxa uu nidaamkan meesha ka saarayaa dumarka oo aan saameyn ku yeelan doonin sharci dejinta. Waxa uu nidaamkan dhiirigelin karaa abuurka xisbiyo siyaasadeed ee ku saleysan qabiil, heyb iyo asal-raac.
- Waxa uu nidaamkan buunbuunin karaa ereyga “gobolo xirxiran” oo keeni kara in hal xisbi ku guuleeysto kuli kuraasta hal deegaan doorasho oo dhan.
- Waxa uu nidaamkan keenaa in codad badani qasaaraan kuwaas oo aanan loo isticmaalin doorashada musharrax.
- Waxa uu nidaamkan dhalin karaa codka oo kala qeybasama.
- Waxa uu nidaamkan dhalin karaa isbedel la’aan ku aadan dhanka fikirka bulshada.
- Waxa uu nidaamkan ku salaysan yahay xuduudeeynta deegaan doorashooyinka ka hor doorashada.
3aad: Nidaamka PR ama proportional representation
Ku Wanaagsan:
- Saami qeybsi
- Wadajirnimo
- Metelaada dadka laga tirada badanyahay
- Codadka qasaara oo yaraada
- Dumarka oo ay u fududaato in la doorto
- Xuduudeeynta oo aan ku xirneyn qabashada doorashada
- Looma baahna in lasameeyo doorasho ku celin
- Dadka maqan ayay fursad ay ku codeeyaan ayay siisaa
- Xadidaa in halkii deegaanba lahaado hal xisbi
- Dad badan oo codeeya
An ku Wanaagsanayn:
- Metelaada juqraafi oo aad liidata
- Arrimaha sla xisaabtanka oo aan muuqan
- Nidaamaydaa Madaxweynaha ayaa u badan taageero dhanka shuruucda iyo dejintooda oo aad u hooseysa
- lsbaheysidda ama dowladaha laga tiradda badan yahay ayaa u badan nidaamyadda baarlamaanka leh
- Awooda badankeeda oo xisbiyada la siiyo
- Keeni karaa in xisbiyadda xagjiriinta ah lagu daro qaab-dhismeedka shuruucda
- In uusan awood u laheyn inuu xisbi awooda ka tuuro
4aad: Nidaamka Blocka
Ku Wanaagsan:
Nidaamkan waxaa badanaa lagu amaanaa inuu siiyo codbixiyaha fursad uu ugu codeeyo shaqsiyaadka musharrixiinta ah ee deegaanada aadka u weyn kasoo baxa.
Nidaamkan wuxuu kordhinayaa doorka xisbiyadda marka lala barbardhigo nidaamka FPTP wuxuuna awooda u kordhiyaa xisbiyadda leh isku xirnaan iyo ismaamul wanaag.
Aan ku Wanaagsanayn:
Marka ay codbixiyeyaashu dhiibtaan codkooda siiiyaana musharrixiin min hal hal xisbi kala metalaya, nidaamkan wuxuu dhaliyaa faa’iido darooyin sida saami qeybsiga oo yaraada.
Nidaamka wuxuu abuuraa kala qeybsanaan ka dhalata xisbiga dhexdiisa.
5aad: Nidaamka Blocka Xisbiyadda
Ku wanaagsan:
lsticmaalkiisa oo fudud.
Dhiirigaliyaa xisbiyadda waaweyn.
Siiyaa xisbiyadda fursad ay kusoo sharaxaan musharrixiin isku dhafan si ay u kordhiyaan metelaada dadka laga badanyahay.
Aan ku wanaagsayn:
– Nidaamkan wuxuu keenaa natiijooyin saami qeybsi la’aan ah sida hal xisbi oo kuwada guuleysta kuraasta oo dhan.
6aad: Nidaamka Labada Wareeg
– Wuxuu siiyaa codbixiyeyaasha fursad kale ee ay wax ku doortaan ama ay fikirkooda ku bedelaan wareega labaad.
Wuxuu dhiirigeliyaa ka dhex muujinta danaha kala duwan ee musharraxa guuleysta Wuxuu nusqaamiyaa kala qeybsanaanta codadka.
Aan ku wanaagsayan :
Wuxuu nidaamkan cadaadis badan saaraa maamulka doorashada maadaama ay laba jeer doorashadu dhaceysa tusaale qarashka oo kordha.
Saami qeybsiga ayay hoos u dhigi kartaa. Abuuri kartaa bulsho si aad ah ukala qeybsan.
7aad: Nidaamka isdhinacsocoshada (parallel)
Ku:Wanaagsan
- Waa loo dhan yahay (Inclusive)
- Metelaada dadka laga tirada badan yahay ayuu ku wanaagsan yahay
- Kala faquuqsanaanta xisbiga oo yaraata.
- Nidaamka ugu fudud inuu dhaliyo is afgarad.
- Lagu tashan karo.Codadka la qasaariyo oo yaraada
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
Xigasho: Goobjoog News
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com