Xildhibaanada baarlamanka oo aadaya gobolada ay kasoo kala jeedaan

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kala gaaraan deegaanada ay kasoo kala jeedaan ee gobolada Dalka Soomaaliya ,maadaama ay galeen fasaxa kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankii 46 aad ee kalfadhigii koowaad ee mudanayaasha baarlamaanka oo shalay lasoo xeray waxaa goob joog ahaa madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,oo u mahad celiyay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka oo qaarkood la hadlay Caasimada Online xafiiska Muqdisho,ayaa sheegay inay gaarayaan deegaanadii laga soo doortay ,si ay halkaasi ugu kuur galaan marxaladaha ay ku sugan yihiin deegaanadaasi.

Xildhibaanada ayaa ka maqnaan doono ilaa 2 bisha seddexaad ee sanadkan “March”, iyagoo badankood gaari doona deegaanadii laga soo doortay,maadaama muddo bilooyin ah ay shaqeynayeen,iyaga oo qabtay wax badan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,oo kula taliyay baarlamaanka inay gaaraan deegaanadii laga soo doortay,islamarkaana ay soo indho indheeyaan xaaladaha kala duwan ee kajira.