Askar caawa lagu dhaawacay Gaarisa

Gaarisa (Caasimada Online) Wararka naga soo garayo magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan caawa ay ku dhaawaceen illaa afar qof oo ay ku jiraan seddax boliis ah.

Sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha kooxo hubeysan ayaa weerar Bambaano ku qaaday baabuur ay la socdeen askarta la dhaawacay oo ah saraakiil boolis ah.

Markii uu weerarka dhacay, waxa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah, kuwaasoo howlgalo baaritaan ah sameeyay.

Illaa hadda ma jirto koox sheegatay weerarka caawa lagu dhaawacay saraakiishan booliska ee ku sugnaa magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobalka waqooyi bari Kenya.

Labo cisho ka hor ayaa weerar bambaano lagu qaaday makhaaxi ku taallay xerada qoxootiga Xagardheer ee gobalka waqooyi bari Kenya, halkaasoo ay hooy u tahay qoxooti badan oo ka yimid Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi