Xiisad saaka ka taagan Laascaanood

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Laascaanood ee gobolka Sool saaka degmada waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dhaawac loo geystay mid kamid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaan degmadaasi.

Ciidamada Booliska degmada Laascaanood ayaa sidoo kale dhaawacay haweenay ay isku heyb ahaayeen ganacsadaha lagu dhaawac maalintii shalay degmadaasi Laascaanood ee gobolka Sool.

Ehelada ganacsadaha caanka ee lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay aad kaga xun yihiin arintaasi,waxayna sheegeen inay werarkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa.

Waxaa lagu eedeeyay dhaawaca halista ah ee soo gaaray ganacsadahaasi in laga soo amray laamaha amaanka ee degmada sida uu sheegay mid ka mid ah ehelada ganacdaha oo warbaahinta la hadlay saaka.

Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo degmada saaka laga soo sheegayo inay xiisad ka taagan tahay,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Degmada iyo kan gobolka.