Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta xaflad sameesanaya

Muqdisho (Caasimada Online) Waxa hadda ka socda xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho munaasabad lagu soo gabagabeynayo kal fadhigii kobaad ee baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan tan iyo markii la soo dhisay bishii August ee sannadkii hore 2012-ka.

Waxa la filayaa in kulanka lagu soo xiraayo fadhigii koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka qaybgalaan masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Saacid iyo xubo kale.

Sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen xildhibannada baarlamaanka ayaa la fasixi doonaa muddo labo bil ah, maadama uu dhammaaday kulankoodii koobaad.

Mudanayaasha baarlamaanka oo ka kooban illaa 275-xildhibaan ayaa kulamo iyo shaqooyin joogta ahaa ku lahaa xarunta golaha ummada ee magaalada Muqdisho.

Waxana dhammaan shaqooyinkii loogu talagalay in ay qabtaan sannadka la sheegayaa in ay dhammaadeen, waxana ay gali doonaan fasax sidaas waxa yiri xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi.

Waa markii ugu horreysay oo inta badan xildhibaannada ay ka soo qaygalaan fadhiyada baarlamaanka, horrey waxa u dhici jirtay in xubinta baarlamaan aysan ka soo qaybgalin fadhiyada baarlamaanka.

Kala bar baarlamaanka cusub waxa ku jira dhallinyaro aqoon yahano ah oo dibedda wax ku soo bartay.

Waxana la sheegayaa in ay wax badan ka badali karaan mustaqbalka waddanka.

Wax yaabaha ay qabteen waxa ka mid ah waxa ay cod u qaadeen xukuumadda, waxa ay ansixiyeen miisaaniyadda xukuumadda 2013-ka waxa ay sameesteen guddiyo la shaqeeya xukuumadda, waxa ay dowladda ugu baaqeen in la baaro musuqmaasuqa ka jira hey’addaha dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho