Muxidiin Kaalmooy oo ka dhawaajiyay hadal aan horay loo maqal

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Muxidiin Maxamed Kaalmooy ayaa maanta ka dhawaajiyay in garoonka Aadan Cadde la weyneyn doono wax badanna laga badalayo sida uu hadalka udhigay.

Kaalmooy,wuxuu sheegay in garoonka Aadan Cadde uu yahay garoon weyn oo muddooyinkii ugu dambeeyay isbedel uu ka muuqday sida uu sheegayna wax badan wasaarada howlaha guud ay kasii badali doonto.

Wuxuu tusaalo wanaagsan ku tilmaamay horumarka garoonka ka socda,laakiin wuxuu sheegay in walli garoonka uu baahi u qabo la tartamida garoomada kale ee caalamka ka dhisan.

Muxidiin Maxamed Kaalmooy,wuxuu cadeeyay in garoonka Aadan Cadde laga dhigi doono garoon quruxdiisa la tartama garoomada ku yaala dalalka Caalamka,isagoo sheegay in dib udhiskaasi dhawaan uu bilaaban doono.

Kaliya hadalkiisa kuma ekeyn kuma Aadan Cadde,ee wuxuu sidoo kale sheegay in garoomada ,Garoowe,Gaalkacyo,Jowhar,iyo gobolada ee dalka la dhisi doono,dalkana uu noqon doono mid loosoo dalxiis tago.