Maxamed Cumar Hagafey oo ka hor yimid qorshe ka socday G/Dhexe

Maxamed Cumar Hagafey,Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb oo isaga oo ku sugan magaalada Lodon la hadlay Idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah ayuu ka hadlay qorshe mudooyinkii ugu dambeeyay la isku howlayay is laga hergeliyo deegaanada maamulkooda.

Hagafey,wuxuu ugu horeyn ka hadlay ujeedada uu u joogo magaalada London ee caasimada Ingiriiska wuxuuna sheegay inuu halkaasi kula kulmayo masuuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay horumarka maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu kasoo horjeestay qorshaha uu sheegay inay abaabusheen ururka Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug,kaasi oo ay in hal maamul oo ay ku mideysan yihiin laga hergeliyaa deegaanada gobolada Dhexe ee dalka.

Isaga oo ka hadlay mar haddii uu ka horyimid arinkaasi,uuna sheegay in maamulkooda wax uusan ogeyn inaysan hirgalaynin,ayaa la weydiiyay waxyaabaha qorshahooda ah,wuxuuna Yiri:

“Annaga ayaa wadna qorshe kala,marka waa inaan anaga ka warqabnaa wax walbaa,wax aanan ogeyn suurto gal ma noqonayaan,marka annaga ayaa qabaneyna shirka,waxa socdana waxba kalama socono”.

Wuxuu si aad ah kaga soo horjeestay in maamulo ka dhisan gobolada dhexe ee uu kala jeeday Galmudug iyo Ahlu sunna inaysan ka arinsan karin mideynta maamulka Ximin iyo Xeeb.