Xildhibaannada baarlamanka Somalia oo go’aan cusub gaaray iyo jawaari oo shaaca ka qaaday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayna ka qeyb galeen xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ujeedadiisa aheyd sidii xildhibaanada ay go’aan kaga gaari lahaayeen xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa ugu dambeyn xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay isku raaceen in la sameeyo golaha nidaamka Siyaasada iyo jiheynta 2016.

Xildhibaano badan oo maanta ka qeyb galay shirka golaha baarlamaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo jeediyay in la dhiso golahaasi oo ka arinsan doono mustaqbalka siyaasada Soomaaliya sanadka 2016.

Kulanka maanta ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayay Jawaari, waxaana soo xaadiray inka badan 142 mudane, kuwaasi oo u codeeyay qaabka loo wajihi karo nidaamka Siyaasada sanadka 2016.

137 kamid ah xubnaha baarlamaanka ee maanta kulanka yeeshay ayaa soo jeediyay iskuna raacay in la dhiso golaha siyaasada dalka kuwaasi oo shirar ku yeelan doona magaalada Muqdisho.

Maxamed Sheikh Cismaan jawaari gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ugu dambeyn sheegay in la sameyn doono golaha nidaamka siyaasada Soomaaliya, ayna sii shaqeyn doonaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay fasaxa ay gali lahaayeen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waxaana la sheegay in ajandayaal badan ay horyaalaan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in shaqada ay sii socon doono ayna kulamada yeelan doonaan gudiyada joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com