Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii maalgashiga Somalia oo ay dowladda uga qeybgashay Dubai

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dubai ee Cariga dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegaya in halkaasi uu kusoo idlaaday shir looga hadlayay maalgashiga dalka Somalia.

Shirkaani ayaa waxaa dhanka DF Somalia uga qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia, iyadoona dhanka madasha shirka ay ku sugnaayen Xubno ka kala tirsanaa labada gole ee Dowlada Imaaraadka, Ganacsato iyo Hantiilayaal daneynaaya maalgashiga Somalia.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgeshiga iyo horumarinta Somalia, kaasi oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Wasiirka Arrimaha dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Khalid Ghanim Al Ghaith.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka, ayaa sheegay in Somalia ay leedahay ilo Kheyraad u baahan in laga faa’iideysto waxa uuna sheegay in Ganacsatada iyo hantiilayaasha Caalamka ay ka faa’iideystaan Kheyraadka Somalia.

Kaaliyaha ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Somalia, waxaana uu cadeeyay in shirka la isku raacay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay ganacsatada Imaaraadku maalgeshi ugu sameysan lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa isna sheegay in Somalia uu buux dhaafiyay Kheyraad islamarkaana loo baahan yahay in la helo Hantiilayaal Somalia dhaqaale u abuurta iyagana ka faa’iideysta.

Hadliye ayaa ugu baaqay Ganacsatada Caalamka inay ka faa’iideystaan fursadaha ay siineyso DF Somalia.

Gesta kale, Shirkaani ayaa noqonaaya mid ahmiyad gaar u leh Somalia, inkastoo DF Somalia ay weli ku adkeysaneyso in Caalamka ay saldhig ka dhigtaan Somalia.

DUBAI1 DUBAI2 DUBAI3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com