XASAN oo ka walaacsan waxa ka soo socda N.Y

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu aad uga walaacsan yahay ajandooyinka looga hadli doono Shirka 20-ka Bishaani ka furmaayo Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ajandaha shirka ayaa waxaa ugu weynaan doono Hiigsiga sanadka 2016-ka iyo sida lagu heli karo Dowlada ka wanaagsan tan iminka ka jirta dalka Somalia.

Shirka ayaa waxaa ka qeybnoqon doona Madaxweynayaasha Gobolada dalka kuwaasi oo madasha la tagi doona mowqifkooda ku aadan Hiigsiga 2016-ka inkastoo ay dacwad ka yihiin Xassan Sheekh.

Isla shirkaasi ayaa waxaa looga hadli doonaa waxa u qabsoomay DF Somalia, iyadoona ay Su’aasha ugu weyn ay tahay waxa uu Madaxweyne Xassan uga jawaabi doono Su’aashaasi ah waxqabadkiisa inta uu socdo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa iyagu fursad u arka shirkaasi, waxaana suuragal ah in inta uu socdo shirka ay banaanka usoo saaran Nasiib darooyinka ku habsatay DF Somalia iyo waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan qaabka ay Dowladu u wado Barnaamijka Hiigsiga.

Shirkaani ayaa inbadan ka duwanaan doona shirarkii hore ee looga hadli jiray arrimaha Hiigsiga 2016-ka, waxa uuna imaanayaa xili Madaxweyne Xassan uu saaxiib u yahay Mooshino iyo Kacdoon Siyaasadeed oo lidi ku ah Dowladiisa 3 sano jirsatay.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in shirkaani ka furmi doona Magaalada New York ay ka qaybgeli doonaan Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia oo iyagu halkaasi ka sheegi doona qaabka ay DF Somalia u dhaqan galineyso Barnaamijka Hiigsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com