Ciidan ku hareereysan madaxtooyada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maamulka ay isku gadaamen Madaxtooyada Maamulka.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku hubeysan yihiin Hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana ay diiden inay ka hor wareegan Madaxtooyada.

Ciidamada ayaa ka careysan sida la sheegay mushaar la’aan heysata waxaana la soo warinayaa in qorshahooda uu yahay inay gudaha u galaan Xarunta balse laga hor istaagay.

Saraakiil u hadlay Ciidamada Gadoodsan ayaa sheegay in Ciidamadu aysan muddo 3 bil ah arag wax Mushaar ah, taasina ay ugu wacan tahay inay qalqal galiyaan amaanka Madaxtooyada.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana jiro Odayaal dhex dhexaadin ka dhexwada Maamulka iyo Ciidamada Gadooday inkastoo Ciidamadu ay diidayaan in xaaladu ay dajiyaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed ayaa goortii uu isa soo sharaxaayay ballanqaaday in si joogto ah uu u bixin doono Xuquuqda Ciidamada balse waxa uu ballanqaadkaasi u muuqda mid aan waxba ka jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com