CUMAR FAROOLE oo xil culus loo magacaabay!!

Garowe (Caasimada online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa maanta magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, oo badalaya gudoomiyihii hore ee gobolka.

Cumar C/laahi Faroole, ayaa madaxweyne Gaas wuxuu ka dhigay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale C/Welli Maxamed Cali, ayaa ku xigeenka gobolka Nugaal u magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi , kaasi oo ahaa xoghayaha dowlada hoose ee Garowe.

Cumar Faroole ayaa horay uso noqday taliyaha madaxtooyada Puntland, wuxuuna iminka ahaa taliyaha ciidamada aaga Sool iyo Nugaal.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa xilka kala wareegi doona gudoomiyihii gobolkaasi oo 9 bil oo kale xilka gudoomiye hayay.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com