XOG laga helay sirta heshiis dhex maray AXMED Madoobe, Gaas & R/W CC + Xasan oo carreysan

KIsmaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Jubba C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) ayaa kashifay heshiis aan la shaacin oo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ku gaareen magaalada Kismaayo kadib markii saddex mas’uul isku hareen.

C/qaadir Lugadheere oo ka hadlayay xaflad lagu soo gabagabeeyay caleemasaarkii Axmed Madoobe ayaa shaaciyay in 19-ka bisha September in magaalada Kismaayo lagu qaban doono shirkii wadatashiga aayaha Soomaaliya iyo hiigsiga cusub, ayna kasoo qeyb geli doonaan Maamul Gobboleeyada iyo Dowladda Dhexe ee dalka.

Wuxuu intaas raaciyay in arrintan ay si wadajir ah u wada go’aamiyeen Madaxweynaha Federaalka, R/W Sharmaake, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Hadalka Lugadheere ayaa ahaa go’aan ka soo baxay shirkii saddexda nin ee Cumar C/rashiid, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, iyadoo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu Muqdisho kula soo laabtay arrintaasi, taasoo si weyn uga hor yimaadeen, ugana carroodeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulada K/galbeed iyo Galmudug.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo wadajira ayaa Kismaayo looga dhawaaqay in 20-ka Bishan uu shirka wadatashiga ka furmi doono magaalada Muqdisho, waxayna arrintan noqoneysaa caqabad kale oo mar kale loo dhigayo shirarka Muqdisho ka dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com