Xasan Shiikh oo looga digay wakiilashada Cumar C/rashiid (Saaxiibadii oo ka cabsanaya shirqool)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay go’aanka uu madaxweynaha ku wakiishay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ee ah inuu wakiil uga noqdo waanwaanta laga gelayo Mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka.

Wadahadalka laga gelayo Mooshinka madaxweynaha ayaa waxaa gebi ahaanba kasoo shaqeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo madaxweynaha cadaadis ku saaray arrinta maxkamadda sare, waxaana arrintaas si hoose la sheegay inay isula og yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaano aad ugu dhow madaxweynaha ayaa uga digay arrinta wakiilashada shir ay la yeesheen shalay waxayna kula taliyeen in arrintaasi mustaqbalkiisa halis ku tahay, waxayna wararku sheegayaan inuu arrintaasi ku gacan seytay madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoomiye Jawaari ayaa noqday mas’uulka hadda ugu sareeya ee gacanta ku haya arrimaha hiigsiga cusub oo labada dhinac ay isku diidan yihiin, waxaana ka go’an inuu madaxweynaha aqbalsiiyo muddo kordhin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com