Maxay tahay sirta ku qarsan xiriiirka ka dhaxeeya C/Weli Gaas iyo Mahad Cawad (Xog xasaasi ah)!!

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo socdaal isaga u gaar oon cidna ku wehlin ku jooga magaalada Gaalkacyo tan iyo toddobaadkii hore ayaa kulamo kale la yeeshay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Kulanka ayaa la sheegay inuu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Saciid Xasan Shire ayaan rasmi ahaan loo shaacin waxa uu ku saabsanaa, halka warbaahinta qaarkeed ay baahiyeenin looga hadlay arrimo la xariira dhaliilo Puntland ay ka tabaneyso dowladda federaalka sida in wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa dorraad uun dib ugu laabtay magaalada Gaalkacy kadib markii uu muddo 4 maamood ah ku sugnaa Kismaayo halkaasoo uu diiday inuu ka qeyb galo shir looga hadli lahaa hiigsiga cusub 2016. Haddaba waxay dad badan is weydiinayaan muxuu C/weli Gaas kala hadlayaa Mahad Cawad isagoo diiday inuu dhammaan madaxdii dowlada iyo kuwii maamu goboleedyada ka diiday…?

1 – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baaarlmaanka Mahad Cawad wuxu heshiis qarsoodi ah kula jiraa C/weili Gaas oo ku saabsan sidii Puntland saameyn ugu yeelan lahayd dowladda Federaalka.

2 – Mahad Cawad wuxuu ahaa geed fadhiga mooshinkii madaxweynaha laga keenay oo Puntland ay gadaal ka riixeysay, kharashna ku bixisay.

3 – Madaxweynaha Puntland waxaa ka go’an in Xasan Sheekh aanu helin fursad kale oo dib ugu soo laabto xukunka, taasoo uga baahan inuu galaangal ku yeesho madaxda Baarlamaanka Federaalka.

4 – Mahad Cabdalla Cawad waa mas’uulka kaliya ee Puntland u dhega furan xilligan.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Puntland ay colaad siyaasadeed u qaado oo kaliya madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Qorshaha cusub ee Puntalnd kala tashaneyso guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaan la ogeyn xilligan oo mooshinkii madaxweynaha u muuqdo mid khadka ka sii baxaya, waxaase laga arki doonaa dhaqdhaqaaqyadiisa danbe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Isha: Goobjooge