Xog: Xiriirka Xasan Shiikh iyo caalamka oo go’ay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 4-tii bil ee lasoo dhaafay hoos u dhac ku yimid Xiriirkii DF Somalia kala dhexeeyay Dowladaha saaxiibada la ah Somalia oo iyagu ka didsan talaabooyinka ay qaadeyso Dowlada.

Madaxtooyada ayaa ka gaabisay dib usoo celinta Xiriirka sii naxuusaaya ee kala dhexeeya Beesha Caalamka waxa ayna taasi dhalisay hoos u dhac ku yimid booqashooyinkii Muqdisho ay ku imaan jireen Dowladahaasi.

Madaxweyne Xassan ayaa bilihii ugu danbeeyay la soo baxay Siyaasado ay ku dheehan tahay dabacsanaan taasi oo laga wada dareemaayo dhamaan dalka, bacdamaa Dowladu ay ku fashilantay meel marinta Hamigii Siyaasadeed ee reer galbeedka ka lahaayen Somalia.

Qoraalo kala duwan oo kasoo kala baxay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa waxaa dhowr jeer lagu xaqiijiyay in DF Somalia ay u xuubsiibaneyso Musuq iyo isdabamarin Maaliyadeed, waana tan keentay in saaxiibada Somalia ay ka gaabiyaan xoojinta xiriirka Somalia.

Sidoo kale, qoraalo sii horeeyay oo ay soo saaren ayay ku xaqiijiyeen in Dowladu ay ku shaqeyneyso qaab Urur diimeed iyo nin jecleysi waxa ayna taasi sara qaaday niyad-jabka reer galbeedka.

Dadka ku dhaqan Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa iyagu aaminsan in Xassan Sheekh uu la dagay rajadii laga qabay dhanka Horumarka, Siyaasada iyo Amniga, iyaga oona Dowlada ku dhaliilay inay lumisay xiriirkii lagu kasban lahaa Saaxiibada Somalia.

Arrintaani oo idil ayaa waxa ay muujineysaa in DF Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh u tafaxeydaneyso cuuryaaminta Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com