XOG: Ahlu-Sunna oo dhexda ka taagay shirqool ay soo maleegtay DF (Sirta Liibaan Madaxweyne)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militeriga Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegaya in Liibaan Maxamuud Yuusuf ‘’Liibaan Madaxweyne’’ uu yahay dabin loo maleegay Ahlusunna Wal-jameeca.

Liibaan oo kamid ah Saraakiisha Dowlada islamarkaana Maalinimadii Axada u goostay Ahlusunna ayaa la xaqiijiyay in ujeedka uu isku dhiibay uu yahay mid laga damacsanaa in Ciidamada Dowlada uu gudaha u galiyo Magaalada Dhuusamareeb si qaab Siyaasadeysan ay Dowlada isugu fidiso deegaanada ku jira gacanta Maamulkaasi ka gadooday DF Somalia.

Liibaan ayaa iminka Ciidamada geeyay fariisimo dhowr ah halkaasi oo noqon doonta goobaha ugu horeeya oo ay Dowlada gacanta ku dhigi doonto.

Sidoo kale Liibaan ayaa iminka wata afar ka mid ah gadiidka dagaalka iyo 120 askari, sida uu maalin ka hor Saxaafadda u sheegay, waxa uuna qorshuhu yahay in deegaano ay kamid tahay Dhuusamareeb uu kusoo celsho gacanta Dowlada gaar ahaan Maamulka Galmudug, si halkaasi loo gaarsiiyo ciidamada Maamulka.

Wada hadal dhexmaray Liibaan iyo Ahlusunna ayaa kusoo idlaaday Fashil kadib markii Ahlusunna ay ku amartay inuu soo wareejiyo hubka iyo Ciidamada uu wato, hayeeshee Liibaan uu arrintaasi ku gacanseeray.

Diidmada Liibaan ee Hub wareejinta ayaa waxaa ka dhashay Khilaaf Ahlusunna dhexdooda ah, kaasi oo ay ku kala qeybsameen kadib markii qeyb kamid ah ay soo jeediyeen in Liibaan laga saaro deegaanka, halka qaarna ay kasoo horjeesteen.

Geesta kale, Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa hadda ka taagan xiisad u dhexeysa Ahlusunna iyo Liibaan Madaxweyne, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco iska hor imaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com