Xog: Xasan iyo Jawaari oo u tashtay A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay isla wadaan qorsho lagu cadaadinaayo Maamulka Jubba.

Xogtu waxa ay tilmaameysaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu Xassan Sheekh ku cadaadiyay in go’aan cad laga gaaro arrimaha Jubbaland ee sii daba dheeraaneysa, waxa uuna soo jeediyay in Axmed Madoobe loo adeegsado Xildhibaanada kasoo kala jeeda Deegaanada Maamulkiisa.

Jawaari ayaa Xasan Sheekh u sheegay in Madaxweynaha Jubbaland looga baahan yahay inuu u hogaansamo awaamirta Dowlada, bacdamaa uu Siyaasadiisa ka weeciyay Dowlada isaga oona u weeciyay dhanka Kenya iyo Ethiopia.

Jawaari ayaa ka carooday Caleemasaarkii ka dhacay Kismaayo ee lagu bahdilay Xasan iyo Xubnihii kale ee ka socday Dowlada waxa uuna taasi badalkeeda soo jeediyay in Maamulka Jubbaland laga qaato mowqif mideysan, islamarkaana arrintaasi loo xilsaaro Xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeeda deegaanadaasi.

Madaxweyne Xassan ayaa fakirkaasi ku raacay Jawaari, balse waxa uu ku taliyay in marka hore culeyska la saaro qaabka ugu sahlan ee xal looga gaari karo arrinta la xiriirta Siyaasada uu adeegsanaayo Axmed Madoobe, si looga badbaado Khilaaf sii baaha.

Xassan ayaa Jawaari u mudeeyay 20 Bishaani oo la filaayo in Magaalada Muqdisho ay martigaliso shirka wadatashiga oo ay goobjoog ka noqon doonaan Maamulada dalka.

Ujeedka Xassan ayaa ah in kulankaasi lagu wada ballansan yahay uu Hogaamiyayaasha Maamulada Jubba iyo Puntland kala hadlo xal ka gaarista Khilaafka haddii ay arrintaasi ka dhaga adeegana ay Dowladu qaadi doonto talaabo ku haboon gooni isku faquuqa Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.

Lama oga talaabada xigi doonta qorshaha ay dageen Xassan Sheekh iyo Jawaari oo iyagu ka careysan talaabooyinka ay qaadayaan Axmed Madoobe iyo Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com