Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa waraaqaadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonta dalka Turkiga Mr Sambaloolshe.
Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe, ayaa waxaa soo dhaweyn loogu sameeyay qasriga madaxtooyada dalka Turkiga, waxaana laga ogolaaday inuu ka shaqeyn karo gudaha dalka Turkiga.
Sawiro lagu baahiyay baraha Bulshada “Socail Media”, ayaa waxaa kasoo muuqday Sambaloolshe oo warqadahiisa safiirnimo ku wareejinaya madaxweynaha dalka Turkiga, lagana gudoomiyo.
Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii July ee sanadkaan xilka safiirnimo u magacaabay Sambaloolshe, oo laga dhigay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, waana safiirkii muddada dheer sugayay in warqadaha laga gudoomo.
Dowlada Turkiga ayaa noqotay dowlada taageerada muuqata siisay dowlada Soomaaliya, waxayna si toos ah u siin jirtay dhaqaalo toos loogu wareejinayay dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Erdoğan oo 25-kii bishii January booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in illaa 10 kun guri ay muddo laba sano ihi kaga dhisi doonaan Caasimadda Somaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]