Xog: Yaa hurinaya dagaalka gobolka Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya oo wax badan ka yaqaana arimaha dagaalka, ayaa xog badan ka bixiyay waxyaabaha sababay dagaalada kusoo laalaabtay deegaanada gobolka Galgaduud.

Korneyl Axmed Xasan Muxidiin, oo kamid ah saraakiishii ciidamada xooga dalka ayaa xog dheer ah ka bixiyay waxyaabaha sababay dagaalada qabaa’ileed iyo kuwa kale ee inta badan ka dhaca deegaanada Galgaduud.

Sarkaalka ayaa sheegay in waxyaabo badan ay sabab u yihiin dagaalada ka dhaca ee sababa dhimashada iyo dhaawac, waxaana uu arinta ugu daran ku sheegay in dowlada Ethiopia ay ka dambeyso dagaalada.

Dowlada Ethiopia ayuu sheegay ineysan dooneyn in xasilooni ay ka dhalato dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

“Dagaalladaan Itoobiya ayaa ka dambeysay, iyaga ayaa hubka isugu dhiibtay dhinacyada is haya, sidoo kale iyada ayaa hooyo iyo aabe ka ah dagaal walba oo ka dhaca gobalka Galgaduud” ayuu yiri Korneelka.

Marar badan dagaalo ku saleysan qabiilka ayaa ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay dhimashada 15 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com