Istanbul (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay iney diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Khaadka laga keeno dalka Kenya, oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac oo kamid ah xildhibaanadii la socday wafdiga ra’iisul wasaare Cumar C.rashiid ee lagu xayiray magaalada Nairobi ayaa sheegay in markii hore Kenya ugu dulqaanayeen Khaadka oo dhibaato ku ah bulshada Soomaaliyeed, haddana ay ugu dartay iney bahdil ku sameyso madaxda dowlada.
Wuxuu sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha muddo ka badan 4 saac lagu hayay garoonka diyaaradaha, laakiin iyaga oo xildhibaano ah lagu hayay middo 15 saac ah.
Cabdulaahi Jaamac, ayaa dhinaca kale sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay diyaarin doonaan mooshin ay ku joojinayaan khaadka laga keeno dalka Kenya oo malaayiin lacag ah ku baxdo, sida xildhibaanka uu sheegay.
Muddo bil ah oo xildhibaanada fasax ku maqan yihiin ayuu sheegay kadib in la dardar gelin doono mooshin ka dhan ah khaadka la keeno dalka Soomaaliya.
Mooshinkaasi ayuu sheegay inuu xal u noqon doono dhibaatada Khaadka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed oo dhaqaalo badan looga qaado isticmaalka Khaadka, sida uu sheegay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

