Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa bilowday iney dhaqaalo dheeraad ah ka qaato dadka wata baasaboorka anjabiga ah, ee soo mara deegaanada Somaliland, maadaama markii hore dhaqaalo laga qaadi jirin.
Dowlada ayaa qorsheysay in 50 doolar laga qaado qof kasta oo wata baasaboor ajnabi ah ee Muqdisho kasoo gala dhankaa deegaanda Somaliland.
Dadka wat baasaboorka anjabiga ayaa Hargeysa looga qaadaa ku dhawaad 60 doolar , waxaana Muqdisho looga doonayaa 50 doolar oo dheeri ah, sababtoo an dadka Soomaalida iyaga oo wata baasaboorta ajnabiga ayay Hargeysa Soo mari jireen maadaama Muqdisho aan dhaqaalo kale looga qaadeyn.
Sidoo kale waxaa lacago dheeraad ah laga qaadi doonaan Soomaalida heysata baasaboorka ajaaniibta haddii ay soo maraan madaarka Hargeysa, waxaana Muqdisho la qorsheeyay in looga qaado 50 doolar, iyadoo Hargeysana looga qaado 60 doolar.
Sida wararka aan heleyno arintan ayaa saameyneysa Soomaalida heysata baasaboor aan Soomaali aheyn iyo dadka ajaaniibta ah haddii ay kasoo dagaan garoonka magaalada Hargeysa.
Dowlada Soomaaliya ayaa shalay si cad u sheegtay iney ka laabatay qorshihii la doonayay in hakad lagu geliyo duulimaadyada taga magaalada Hargeysa ee ka tagayay magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada @live.com

