25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xog: CC oo xil ka qaadis aan la fileyn sameeyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, ayaa xilka ka qaaday agaasimaha wasaarada caafimaadka xukuumada Soomaaliya, kaasi oo muddo sanad ka hor isaga uu geeyay xafiiska wasaarada caafimaadka.

Seddex maalin ka hor ayaa xil ka qaadistan lagu sameeyay agaasimaha wasaarada caafimaadka, waxaana ra’iisul wasaaraha uu magacaabay shaqsi si KMG usii heynaya xilka agaasimaha wasaarada caafimaadka, walow ay soo baxayaan warar sheegaya in ruux cusub loo magacaabay.

Xil ka qaadista lagu sameeyay agaasimaha wasaarada caafimaadka ayaa kusoo aadaya iyadoo dalka uu ka maqan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali isaga oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dr Cabdulaahi Xaashi Cali, ayaa hadda si ku sime ah loogu magacaabay agaasimaha wasaarada caafimaadka ee xukuumada Soomaaliya. waxaana la ogeyn in isaga uu ahaan doono agaasimaha rasmiga ee wasaarada.

Xogo kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu doonayo inuu xil ka qaadis ku sameeyo agaasimayaal wasaaradeed, isaga oo ka leh ujeedo uu xil kaga qaadayo agaasimayaal kooban.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News