Xildhibaanada BF oo maanta ka doodaya doorashada

Muqdisho (Caasomada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo.

Sidoo kale kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa lagu wadaa inay xildhibaanadi ku falanqeeyaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa horey uga soo horjeestay shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Si kastaba ha’ahaatee madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiyey shirkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxay shirkaasi uu ku celin doono xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay ugu biirayaan taladooda.