Abaabul ka socda Muqdisho iyo natiijooyinka shirkii Dhuusamareeb oo la isku dayayo in la buriyo (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu socdo abaabul xoog leh oo lagu jebin karo natiijada shirkii Dhuusamareeb ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in kulan berri ay yeelan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan doorashada islamarkaana la filayo in si aad ah looga doodo natiijadii shirka Dhuusamareeb, ayna suurta-gal tahay in laga soo sarao qaraaro ka dhan ah shirkaas.

Xildhibaanada wada abaabulkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ku aragti ah oo aad ugu xiran Villa Somalia.

Qorshaha socda ayaa ah in khilaafka doorashada laga dhigo mid u dhaxeeya dowlad gobaleedyada iyo baarlamaanka, si eedda looga leexiyo Villa Somalia, taasi oo horseedi karta in madaxweynaha uu qaato go’aan uu isugu muujinayo inuu dhax dhaxaad ka yahay labada dhinac ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhuusamareeb ka sheegay inuu ku laaban doono xildhibaanada isaga oo muujinaya inay yihiin kuwa diidan doorasho dadban. Arrintan ayaa muujineysa tuhun ah in waxyaabihii lagu soo ogolaaday Dhuusamareeb la doonayo in lagu buriyo Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uusan u bixin Dhuusomareeb la kulmay 40 xildhibaan oo diidanaa kulanka Dhuusamareeb, kuwaas oo weli mowqifkooda uusan isbedelin.

Sidoo kale, guddoomiayah baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin doorasho dadban, kaasi oo ah fikirka madaxtooyada. Mursal ayaa si toos ah ugu xiran ugana amar qaata madaxweynaha, oo ma lahan karti uu iskii go’aan ugu qaadan karo.

Kulanka berri ee baarlamaanka ee arirntan ayaa u muuqdo mid deg deg ah lamana oga go’aanada ka soo bixi doona.