Olole xil ka qaadis oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Kheyre oo ka socda xarunta BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa wada olole xooggan oo la doonayo in lagu rido xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan xaruntooda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, waxaana la isku dayayaa in kulankaas loo rogo mid ka dhan ah xukuumadda.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan dhamaan xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda in kooramka uu buuxsami doono iyo in kale. Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doono arrimaha doorashada oo aan weli cadeyn nooceeda iyo sida loo wajahayo.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in kulanka maanta si weyn loogu eedeyn doono xukuumadda inay sameysay xil gudasho la’aan la xiriirta doorashooyinka dalka iyo inay ku qaban weyday waqtigii loogu talo galay.

Waxaa sidoo kale jiro guux ku saabsan in eedaas loo rogo mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre oo la doonayo in la hor geenayo Baarlamaanka.

Mooshinkaan ayaa la sheegayaa inay gadaal ka riixayaan guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga yaabaa in kulanka maanta ama maalmaha soo socda xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa, hase yeeshee waxaan weli caddeyn tirada xildhibaanada taageersan mooshinka.

Waxaa sidoo kale isku daygan wax ka og madaxtooyada Soomaaliya, xilli uu kasii daray khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramay inuu doonayo in ka hor shirka xiga ee Dhuusamareeb meesha laga saaro xukuumadda, islamarkaana doodda nooca doorasho ee dalka uu galayo loo rogo mid u dhaxeysa baarlamanka iyo maamul goboleedyada.

Guddoonka golaha shacabka, gaar ahaan Mursal iyo Muudey, ayaa la sheegay in ka go’an tahay inay xaqiijiyaan muddo kororsi, kaasi oo sidoo kale uu taageerayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa si cad horey ugu sheegay inuusan aqbali doonin doorasho dadban, fikirkaas oo ah kan Villa Somalia. Mursal ayaa si toos ah ugu xiran ugana amar qaata madaxweynaha, oo ma lahan karti uu iskii go’aan ugu qaadan karo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hadda ku qulqulayo Xarunta Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Kheyre iyo Xukuumadiisa lagu eedeeyo inay sabab u yihiin inay doorashada ku dhici weysay waqtigeeda, kadibna la billaabo in eedaas loo rogo xil ka qaadis.

Wixii kusoo kordhana kala soco Caasimada Online.