Taliska ciidamada AFRICOM oo beeniyey WARAR laga faafiyey gudaha Somalia

Boosaaso (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa si cad u beeniyay warar ay faafiyeen dagaalyahanada Daacish ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Afrika iyo ciidamad ammaanka Puntland ayaa wada sameeyay hawlgal ka dhan ah dagaalyahanada Daacish kuwaas oo ku sugan deegaanka Timirshe oo qiyaastii 140 KM u jira magaalada Boosaaso.

Taliska waxey biyo qabow ku shubeen wararka sheegaya in ciidamadooda ay waxyeello soo gaartay intii uu socday hawlgalka oo cirka iyo dhulkaba ay ka sameeyeen.

“Been abuurka waa hubka kaliya oo ay isticmaalaan argagixisada,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Africom.

Daacish oo war qoraal ah ku faafisay baraha bulshada ayaa sheegatay in saraakiil cadaan iyo Soomaali isugu jira ay ku dhaawaceen weerarka ka dhacay meel 140 KM u jirta Boosaaso.

Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgallo laga fuliyay deeganadooda ay ku dileen ilaa 20-xubnood halka mareykanka ay sheegeen in hawlgalkii Timirshe ay ku qaarijiyeen 7 ka tirsan xubnaha Daacish.