Xog: Fatahaada Sh/Hoose oo ka dhalatay webiga oo si ku talo-gal ah loo biyo furay

Afgooye (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya degmooyinka uu ku fatahayo Wabiga Shabeelle ee gobalka Shabeelada Hoose, ayada oo kumanaan qof ay ku barakaceen.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in biyo fureen laga sameeyay Wabiga Shabeelle dhowr meel oo ka mid ah, gaar ahaan degmooyinka Awdheegle iyo soodinta Jowhar iyo Wanlaweyn, gaar ahaan dhinaca Wanlaweyn.

Dad xog ogaal ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan gobalka ay furayaan Wabiga si uu ugu fataho degmooyinka, islamarkaana ay macaash uga sameeyaan gargaarka gobalka ku wajahan.

“Waxaan walaac ka qabnaa in xubno ka tirsan maamulka gobalka ay furayaan wabiga, si ay lacag uga sameeyaan gargaarka, waana wax laga xumaado,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Afgooye laga soo doorto kaas oo ka gaabsaday inaa adeegsano magaciisa.

In ka badan 6 kun oo qoys ayaa ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye, hase yeeshee hadda waxa uu gaaray degmooyinka ku dhaw dhaw waxaana la sheegayaa in mas’uuliyiinta gobalka ka dambeeyaan.

Caasimada Online oo la xiriirtay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka si ay arrintan wax uga weydiisay, uma suurta-galin inay hesho, qaarkii ay heshayna waa ay didieen inay jawaab bixiyaan.

Inta badan maamulada dalka ka jira ayaa ka macaasha dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dalka ku dhufta iyo kuwa kalaba waxaana aad loo musuq-maasuqaa gargaarka danyarta loogu talagalay.