“Xildhibaanada BF Somalia ha qeybsadaan nimcada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador C/Salaan Xaaji oo kamid ahaa xubno horey kaga soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibbadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda soo korortay.

Isaga oo ka qeyb galayay barnaamij looga hadlayay xaaladdaha dalka kusoo kordhay ayuu sheegay in xaalad hadda taagan ay tahay mid aan u wanaagsan dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horaantii mooshinka ay aheyd in la xaliyo wax walbaa.

Wuxuu Nasiib daro ku tilmaamay in Soomaaliya oo Caalamka dhan eeganayaan islamarkaana la filayay in laga gudbayo dhibatooyinkii jiray in hada laga shaqeeyo arrimo keeni kara dhib u dhac dalka ku yimaada, sida uu sheegay Ambasador C/Salaan.

Mar uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya guddoonka baarlamaanka ee hala hadlaya ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay arintaasi, wuxuuna sheegay in meesha ay ka cadahay inuusan jirin sharci kala saaraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu baaqay inuu ka shaqeeyo qaboojinta xiisadda soo korortay oo dib u dhac keeni karta.

“Waxaa Nasiib daro ah iyadoo caalamka dhan na eegayo oo la is leeyahay armey kasoo laabtaan halkii ay jireen, in howshaan la keeno ma aheyn, waxaa kasii xun in guddoonkii baarlamaanka ay kala qeybsan yihiin, waxaa meesha ka cad in sharci kala xira inuusan jirin”ayuu yiri Amb C/Salaan.

Khilaafka ugu daran ayuu sheegay inuu u dhaxeeya dadkii la doonayay inay shacabka u adeegaan, isaga oo tilmaamay inay la mid tahay “Maroodi cows ku dul dagaalamaya” sida uu sheegay.

Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada is haya inay raadiyaan xal ka wanaagsan tan hadda ay wadaan, maadaama ay dantooda isku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com