Xildhibaanada dowlad goboleedkii u horeeyay oo taageeray R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu maanta la kulmay Hamza ayaa ahaa kuwa laga soo doorto dowlad goboleedka HirShabelle, iyagoo kulankaas si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la filaya in uu maalinta Arbacada la horgeeyo Golaha Shacabka, si ay ugu qaadan codka kalsoonida, kadibna uu uguda-galo howlaha culus ee horyaalla.

Sida laga bartay siyaasadda Soomaaliya inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin.

Hamza Cabdi Barre ayaa 15-kii bishaan waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa xoghayaha guud ee xisbiga UPD ee uu hogaamiyo madaxweynaha.

Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sidoo kale waxa uu soo noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, markii dib loo dooranayey madaxweyne Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda beesha Ogaadeen ee xilkan loo magacaabo, sidoo kalena waa ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee aan qurbaha ka iman ee xilkan loo dhiibo.