Xildhibaanada HirShabeelle oo diyaarinaya mooshin

Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulamadan oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada HirShabelle ayaa waxa ay uga arrinsadeen Mooshin la sheegay in ay ka wadaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Xildhibaanada ayaa bilaabay inay saxiixaan Mooshinkaasi ka dhanka ah Waare iyo Barre.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi xil gudasho la’aan iyo in ay baalmareen Dastuurka u yaalla dowlad goboleedka HirShabelle.

Cabdi Xuseen Geedi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa horboodaya Mooshinka, kaas oo fariimo uu ku wargalinayo kulamo caadi ah u diray Xildhibaanada.

Kulamadan ayaa lagu soo warramayaa in looga xaajoonayo xaaladda soo korortay.

In muddo ah waxaa xiran kulamada baarlamaanka HirShabelle, kadib markii uu golaha fasax galiyey guddoomiye Barre.

Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa ku soo aadaya,xilli haatan Madaxdweynaha HirShabelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo xal u raadinayo xiisada ka taagan halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com