Xildhibaanada Ikraan Tahliil ku metala BF oo dalab xasaasi ah u diray XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ay magaalada Muqdisho ku qabteen xildhibaanada sida qaaska ah u metelayay Ikraan Tahliil oo ah Sarkaal la weysan yahay muddo ku dhow sanad, ayaa si adag uga hadlay sheegashada Fahad Yaasiin.

Taliyihii hore ee NISA ayaa ku eedeeyay dilka Ikraan inay ku lug leeyihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Agaasimaha NISA ee Mahad Salaad iyo Al-Caddaala, kuwaasi oo muddooyinkii dambe siyaasad ahaan isku hayeen.

Senator Samsam, oo ka mid ah xildhibaanada goobta ka hadlay, ayaa sheegtay in Fahad uu kala garan la’yahay dadka ay isku hayaan siyaasada iyo kiiska Ikraan, islamarkaana uu ciilka siyaasadeed ee uu qabo kula dul dhacay masuuliyiinta dowladda.

“Ikraan waxay aheyd xubin Active ah oo waxa cadeyn u ah in Ikraan jaamacad u direen Hay’adda oo Fahad u yeeray, kuna soo noqotay magaalada Muqdisho amar ay siisay hay’adda,” ayey tiri Senator Samsam.

Sidoo kale waxay sheegtay kala-hadalka Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey in laga leeyahay in lagu jahwareeriyo kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana waxba kama soo qaadan laga dhigo kiiskaas.

“Hadda nahay xildhibaanadii metelayay Ikraan oo aan ku idilnahay madashaan arrintaan ma ogolin. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa si qaas ah uga codsaneyna in kiiska Ikraan dib loo furo oo maxkamad lasoo saaro dadka lagu tuhmayo inay ku maqan tahay Ikraan.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cali Gaab oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Qadiyadda Ikraan Tahliil waa in cadaaladda la horkeenaa Madaxweyna Xasan Sheekh waxaan leenahay Kiiskan waa in cadaalad loo helaa.”

Xildhibaan Cali Xaaji ayaa isna yiri “Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu u egyahay kii Jamaal Kashoqji laakiin Qofkasta oo Kiiskan ku lug lahaada looma aaba yeeli doono, Gabdhaas iyo Dadkii kale ee la dhibaateeyey 5-tii Sano ee lasoo dhaafey waa in ay helaan Cadaalad.”

Ugu dambeyntiina waxay ka codsatay madaxweyne Xasan Sheekh in uu guddi dhex-dhexaad ah u saaro kiiska Ikraan, si cadaalad ahna u baara cidii ku lugta laheyd ee ka dambeysay, lana marsiiyo cadaalada.