Madaxweyne Xasan oo laga dalbaday inuu GEDO hoos geeyo wasaaradda A/Gudaha

Baladxaawo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cabdi Caroog ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday in laga qaado waxa uu ugu yeeray isbaaro siyaasadeed oo ay kala kulmayaan Kismaayo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay isbaaro siyaasadeed kala kulmayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, wuxuuna codsaday in gobolka Gedo la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha.

“Dadka gobolka Gedo waa dad jecel inay dowladda la shaqeeyaan, balse dowladda wax kama helaan, waxaan dowladda Xasan Sheekh ka rajeeneynaa inay noqoto middii wax u qaban laheyd gobolkaan,” ayuu yiri Cabdirashiid Cabdi.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “In dowladihii aysan waxba noo qaban waxaa hadda noogu darsan inay isbaaro siyaasadeed noo taalo Kismaayo, ugu horeyn waxaan rabnaa in Xasan Sheekh uu naga caawiyo inuu isbaaradaan naga qaado, waa isbaaro siyaasadeed oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka dagan Gedo.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in rajada dadka reer Gedo ay tahay mid quus taagan, wuxuuna sheegay in tiro yar bis ay rumeysan yihiin inay xaaladdan ka bixi doonaan si ay ula jaan qaadaan dadka intiisa kale.

“Waxaan marka hore codsan laheyn in isbaaradaan siyaasadeed laga qaado Gedo kadibna gobolka wax loo qabto, haddii uu madaxweynaha cusub aaminsan yahay inay arrintaan waqti badan qaadaneyso, waxaan soo jeedin lahaa fikir ahaanteeda in gobolkan xor laga dhigo oo la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, si aan u helno tashiilaadkii dowladeed oo aan uga baxno isbaaradii siyaasadeed ee dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba noo saameysay,” ayuu yiri guddoomiyaha Cabdirashiid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka gobolka Gedo ay 100% u codeyn doonaan inay helaan xornimo, islamarkaana la hoos geeyo wasaaradda arrimaha gudaha, balse wuxuu sheegay inay taas ka fududaan laheyd in la helo Jubaland loo dhan yahay.

“Waxaa taas ka fudud in la helo Jubbaland loo dhan yahay oo qof kasta oo Jubbaland ku nool uu ka heli karo xuquuqda uu leeyahay, ciladda waa iska caddahay qof kastana wuu yaqaanaa, Axmed Madoobe wuxuu sameystay Jubbaland Kismaayo ka jirto oo uu ku dhaqo sharci uu isaga sameystay.”

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday waxay aheyd in dad dagan 9 degmo inuu siiyo xilka labaad ee Jubbaland (Madaxweyne ku-xigeen), halka dad daga 2 degmo ay xilkii ugu sareeyey qaataan, wuxuu ahaa qaladkii ugu weynaa ee la sameeyey.”

Cabdirashiid ayaa xusay in kursiga madaxweyne ku-xigeenka ee la siiyey dadkaas xataa laga dhigay mid uu soo magacaabayo madaxweynaha oo uu markii uu rabo xilka ka qaadayo halkii ay aheyd inuu ka dhigo xil lasoo doorto.

“Waa in wax laga badalo dastuurka iyo sharciga u yaalo Jubbaland oo ah mid uu qof jeebkiisa kala soo baxay, isku keenidda Gedo iyo Jubbaland maahan dib u heshiisiin loo sameenayo Axmed Madoobe iyo iyaga ee waa in la saxo waxyaabaha ka qaldan dastuurka Jubbaland, markii tallaabadaas la qaado waxaa soo baxayo Jubbaland loo dhan yahay.”

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Baladxaawo Cabdirashiid ayaa kusoo aadayo xilli uu meesha ka baxay maamulkii madaxweyne Farmaajo ee markii hore ka dambeeyey khilaafka soo kal dhex galay Jubbaland iyo Gedo.

Arrinta Gedo ayaa waxay kamid tahay dhibaatooyinkii ay ka tagtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Farmaajo ee xalkooda laga sugayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, mana lasii saadaalin karo sida uu arrintaan u wajahayo.