Wafdi Talyaani ah oo ballan-qaad culus soo gaarsiiyey Xasan Sheekh kadib kulan ka dhacay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Talyaaniga Luigi Di Maio.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Talyaanigu ay siiso Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa xusay saaxiibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya iyo in codka ay ku dhex leeyihiin Midowga Yurub ay ku kabaan horumarinta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu kasoo saartay kulkaas.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeey xilka loo doortay.

“Wasiirku wuxuu soo bandhigay sida dowladda Talyaanigu ay ugu garab taagan tahay qorsheyaashiisa hormarineed ee ku qotoma Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Dowladda Talyaaniga ayaa kala shaqeynaysa dowladda federaalka Soomaaliya dib u dhiska ciidamada qalabka sida, gurmadka abaaraha, deyn cafinta iyo in la xoojiyo maalgashiga caalamiga ah ee khayraadka dalkeenna.