Muxuu yahay ujeedka kulanka uu caawa Xasan Sheekh ugu yeeray xildhibaanada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa caawa kulan casho ah ku martiqaaday xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xafladaas ayaa hadda ka socota Madaxtooyada.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu war-geliyey xafladaan cashada ah, waxaana fariin loo diray lagu yiri, “Xildibaano Maanta oo Axad  ah Tariikhdu tahay 12 June, Madaxweynaha JFS ayaa casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada. Saacadu waa 07:00 fiidnimo bacdal maqrib. Goobta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.”

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha la yeesho xildhibaanada tan iyo 15-kii May markaasi oo 214 ka mid ah ay ugu codeeyeen inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya ee dib loo soo doorto.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inay ka qeyb-galaan madaxda maamul goboleedyada dalka, oo maanta ayaga iyo madaxda dowladda federaalka uu usoo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashida Qaran.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inay dhici karto in Madaxweynuhu uu fagaare uga dhawaaqo magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha, sida xafladaan cashada ah ama munaasabad kale, inkasta oo aysan sidaas u badneyn.

Sidoo kale xogaha aan heleyno waxay intaas ku darayaan in qorshaha madaxweynaha ay ku jirto inuu Ra’iisul Wasaaraha cusub magacaabo ka hor 15-ka bishan Juun, xitaa haddii aanu magacaabin.

Inkastoo aysan dastuurka ku qorneyn in Madaxweynuhu uu 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, hadana waa dhaqan soo jireen ah oo ka yimid axdi qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG aheyd ee Imbagathi lagu soo dhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la dooray 15-kii bishii hore ee May ayaa hadda xukunka jooga 28 cisho, waxaana laga sugayaa in Ra’iisul wasaarihiisa uu ku dhawaaqo, si loo sii amba qaado dhismaha dowladda cusub.