Cali Yare oo soo saaray qoraal ku aadan Mahad Salaad iyo falcelin ka dhalatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Yare Cali oo ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka jawaabay eedeyntii Fahad Yaasiin uu u jeediyey Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Wuxuu sheegay in si buuxda uu u garab taagan yahay Mahad Salaad, isla markaana uu diyaar u yahay inuu u difaaco sidii uu u difaaci jiray madaxdii hore.

“Aniga oo ku dhaggan fikirkeyga siyaasadeed ee ii gaarka ah, hadana ka xafiis Amni ahaan, waxaan si buuxda ugarab joogayaa Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, waana la shaqeynayaa waana difaacayaa inta uu xafiiska fadhiyo sidii aan shalay ula shaqeeyay una difaacay Madaxdii isaga ka horreysay,” ayuu Cali ku yiri qoraal uu soo saaray.

Cali Yare oo taabici u ah madaxweynihii hore Farmaajo ayaa weli ku magacaaban guddoomiyaha ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka, waxayna isku heyb yihiin Mahad Salaad.

Fal-celinta dadweynaha ee ka dhalatay qoraalka Cali Yare ayaa u badan weydiimaha in ah “Mahad Salaad oo aad siyaasad ahaan aad u kala fogtihiin, ma qabiilbaa ku difaacday.”

Qaar ka mid ah aragtiyada dadka ugu macquulsan ayaan soo uruurinay:

Abwaan Guure ayaa yiri, “Cali Yare Cali Guddoomiye maxaad Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur ula shaqeyn weyday? Mise cayaartii waa dhamaataye caadi iska dhig ayaad maqashay?”

Weriye Munasar Maxamed ayaa yiri, “Cali Yare Cali shalay yaa ku yiri Mahad hala shaqaynin? Nin dowlad u shaqeeya ayaad tahay maxay tahay cadaynta aad raadinayso ee aad u leedahay Mahad ayaan si buuxda ula shaqeynayaa? Keliya qoraalkan waxaan kaa fahmay inaa tahay nin aan lahayn wax qadiyad ah waxaanse aad uga helay sida aad u diidan tahay in Ilmahacaanahooda kaa go’aan.”

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa yiri, “Ma kaaga baahan yahay DIFAAC Taliyaha NISA Mahad Salad mise waa is yeelyeeleysaa, Cali Yare Cali meel kaaga bannaan ma jirto. CIAO”

Cabdulqaadir Boss ayaa yiri, “Anigoo Fikirkeyga ii gaar ku dhagan ayaaba dambi ah bro, cid fikirkii farmaajo wadato mahad lama shaqeyn doonto igu walaahi waa dhaartee.”

Maariya Cali Madow, “Cid ku aamineyso majirto Cali Yare Cali hadaad garasho leedahay is casil ileyn waad ogtahay inta denbi aad gashay koley maalin uun baa sidii Fahad u soo calaacali doontaa.”