Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa Wasiirada Xukuumada iyo Xildhibaanada ku amray inay diiwaan galiyaan Hubka iyo ilaalada ay wataan.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka amniga gudaha islamarkaana la ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’isalwasaaraha, Guddoonnada labada Gole iyo Taliyaha Nabad Sugidda ayaa Wasiirka amniga waxaa uu madaxda dowlada ku amray in ay diiwaan geliyaan hubka iyo ilaalada ay heystaan.
Mas’uuliyiinta ayaa la faray in ay hubka iyo ilaada gaarka ah ee ay leeyihiin ka diiwaan geliyaan laanta Dambi baarista ee C.I.D-da ee Muqdisho.
Wasiirka oo go’aankaasi kadib faahfaahin ka bixiyay amarka ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ka dib dhacaan mudada loo qabtay oo aheyd 14 maalmood oo ay ku diiwaan gelin karaan ilaalada iyo Hubka ay heystaan.
Wasiirka waxa uu sheegay inay jiraan cawaaqib sharci ah oo la marin doono mas’uuliyiinta aan ka faa’iideysan mudada diiwaan galinta Hubka iyo Ilaalada waxa uuna ka digay in laga dhago adeego amarka.
Wasiir Ducaale waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin marmarsiyo kaga imaada madaxda ay ku socto fariinta, waxa uuna cadeeyay in la marin doono waxa uu qabo sharciga.
”Cidii aan u hogaansamin amarka soo baxay iyada ayaa dusha saaran doonta wixii cawaaqib ah, ma jiri doonta cid ka sareyn doonta wixii sharci ah”
Sidoo kale, Wasiirka ayaa cadeeyay inay jiraan amaro loo siiyay hirgalinta amarka kasoo baxay Wasaarada Amniga, waxa uuna farta ku goday inaanu aqbali doonin marmarsiyo.
Docda kale, waxaan la ogeyn talaabada ay qaadi doonaan mas’uuliyiinta lagu amray inay diiwaan galiyaan Hubk iyo Ilaaladooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]