Xildhibaanada keenay mooshinka Xasan Sheekh oo soo saaray war culus oo ka kooban 13 qodob

SAXIIXAYAASHA MOOSHINKA XILKA QAADISTA MADAXWEYNAHA JFS

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Somaliya

September 13 2015

  1. Xubno ka mid ah Golaha Shacabka ayaa Mooshin Xilka Qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka bishii Ogosto 12, 2015.
  2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Cusman Jawari, ayaa shalay 12 Sebtembar 2015, soo saaray War Saxaafadeed uu ku sharxayo sida loo maareynayo Mooshinka Xilka Qaadista ee Madaxweynaha.
  3. Waxaan soo dhoweyneynaa baaqa Guddoomiyaha in ay labada dhinac wada hadal dhab ah ka galaan eedeymaha culus ee Mooshinka ku xusan, waxaana diyaar u nahay in aan si niyad sami ah u galeyno wada hadalka.
  4. Waxaan magacaabi doonaa guddi nooga qeybgalo wada hadalka sida uu Guddoomiyaha soo jeediyey.
  5. Waxaan soo dhoweyneynaa in hoggaanka Golaha Shacabka (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) ay noqdaan dhexdhexaadiyayaal inta uu wada hadalka socdo.
  6. Waxaan ku qanacsanahay shuruudaha wada hadalka ee ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha, gaar ahaan, in labada dhinac aysan wax xafan leh oo ku saabsan arrimaha Mooshinka Xilka Qaadista warbaahinta kala hadal ama aysan sameeyaan oraahyo keeni kara xasaasiyad.
  7. Waxaa kaloon oggolanahay shuruudaha ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha ee uu ku caddeyey in haddii uu wada hadalka fashilmo eedeymaha Mooshinka Xilka Qaadista loo gudbiyo maxkamadda ay khuseyso dhageysiga iyo go’aan ka gaarista eedeymaha mooshinka Madaxeynaha JFS.
  8. Waxaan u boogaadineynaa Madaxweynaha JFS oggolaansha uu oggolaaday in uu si niyad sami ah u galayo wada hadalka.
  9. Waxaan rumeysanahay in aanay munaasab ahayn in Ra’iisul Wasaaraha wada hadalka ku matalo Madaxweynaha, maadaama aynu mooshinka ahayn mid codka kalsoonida ah lagu helayo, balse uu yahay eedeymo fal dambiyeed culus oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS.
  10. Waxaan rumeysanahay in wada hadal lala galo Ra’iisul Wasaaraha ay abuureyso faham qaldan oo ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta, kaasina meesha ma yaallo.
  11. Waxaan rumeysanahay in Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiiradu ay horyaalaan ajeendayaal iyo qorshe hawleedyo waqtiyeysan oo muhiim ah, una baahanyihiin in ay hawlahooda ku mashquulaan oo aanay ku mashquulin wada hadal siyaasadeed.
  12. Waxaa kaloon xubnaha kale ee Golaha Shacabka uga mahadcelineynaa taageeradooda in hawalaha Golaha lagu saleeyo Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha.
  13. Waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo dulqaadkooda waqtiga culus inta uu socdo.
  14. Gunaanad, waxaan u mahadcelineynaa saaxiibadeena beesha caalamka talooyinka iyo taageerada ay bixiyeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Wa Billaahi Towfiiq