Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug oo baaq u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada maamulka Galmudug ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii qorsheysnaa ee lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur iyo qaabka uu u dhacay weerarkaas.

Xildhibaanada ayaa sheegay in marka hore uu weerarkaas ahaa mid aan xiligaan munaasib aheyn, isla markaana loogu gafay Siyaasiga iyadoo la heli karo in looga yeero xafiiska Xeer ilaalinta ama Maxkamada halka laga qaaday weerarka.

Xildhibaanada waxa ay sheegen in dowlada Federaalka ah ee Somalia laga doonaayo inay sii deyso C/raxmaan C/shakuur, ka hor inta aan laga falcelin, waxa ayna cadeeyen inaan laga aamusi doonin falkaas.

Mid kamida Xildhibaanada oo la hadlay Saxaafada ayaa yiri ‘’Waxaan ka simanahay in lasii daayo Cabdiraxmaan C/Shakuur. Waxaan qireynaa inaan nidaam loo marin xarigiisa waxaan fareynaa dowlada inay jawaab cad ka bixiso falka ay geysatay’’

‘’Waxaan ku baaqeynaa oo aan ku celcelineynaa in lasii daayo C/raxmaan, isla markaana cadeyn nalaga siiyo sababta loogu xadgudbay’’ ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay C/raxmaan uu xor u yahay inuu dhaliilo dowlada Federaalka, balse aanu suuragal aheyn in lagu xadgudbo xili uu ku sugnaa Hooygiisa.

Waxa uu sheegay in arrintaan aawgeed ay dib u furi doonaan fadhiga baarlamaanka iyadoo laga jawaab celinaayo waxa uu ku sheegay khaladka ay ku dhacday dowlada Federaalka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa isku raacay in guddoonka Golaha Shacabka ka codsanayaan in si deg deg ah loo furo kal-fadhiga baarlamaanka Golaha Shacabka si looga hadlo xaaladaha soo kordhay.

Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayaa dhankeeda ka xaqiijisay kiiska ay u xirtay C/raxmaan C/Shakuur, isla markaana ugu weerartay Hooygiisa, xili ay la joogeen Xildhibaano dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com