Sidda ay saxaafadda Qatar uga hadashay xariga C/raxmaan C/shakuur oo shaki badan dhalisay

Dowladda Qatar iyo saxaafadeed ayaa aad u buun buuniyay xariga loo geystay siyaasiga hibaddu ka muuqato ee C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, saxaafadda Qatar ayaa talaabo muhiim ah iyo guul iyaga u gaar ah u ekeysiiyay xarigii habeen hore loo geystay Shakuur, xili ilaaladiisina la laayay.

TV-ga Al Jazeera, majaladaha kasoo baxa Doxa iyo baraha Twitter-ka ee masuuliyiinta Qatar ayaa lagu jeex jeexay arintaan waxaana laga dareemayay iney aad ugu qanacsan yihiin.

Oo waa maxay faa’iidada Qatar ugu jirta qof Soomaali ah oo Dowladdda Somalia ay xiratay ?, adigoo aan is daalin waxaa halkaas kaaga cad inuu jiro amar kore iyo in xariga Shakuur uu yahay dagaal u dhaxeeya wadamada Khaliijka, gaar ahaan Qatar iyo Emirate-ka.

Cabdiraxmaan waxaa lagu tuhmaya inuu gacan saar la lee yahay Dowladda Emirate-ka oo sidoo kale lagu eedeeyo iney maal galiso maamul-goboleedyada Somalia, si aan qarsoodi ku jirana Dowladda madaxweyne Farmaajo waxey xiriir la leedahay Dowladda Qatar taas oo lagu eedeeyo iney maal galiso kooxaha xajirka ah iyo shirkaddo gaar ah oo dadka dila.

Waxaa ayaan daro u ah Soomaalidda in Dowladdo shisheeye ay isku adeegsadaan kadibna sheekadda wadaniyad been ah lagu lifaaqo.

Waxaa loo baahan doonaa baaris dheeri ah oo ka madax banaan labadda dhinac ee Dowladda iyo Mucaaradka si loo ogaado cidda shirqoolkaan maleegtay, cidna daah kama saarna iney arintaan gacmo shisheeye ku lifaaqan yihiin.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax 
raafac22@gmail.com